Soomaaliya iyo Ruushka oo ka wada hadlay iskaashiga dhaqanka

0
2
Saint Petersburg — sawir kayd ah
Sawir kayd ah: Kazan Cathedral ee Saint Petersburg, magaalada lagu qabtay wadahadallada dhaqanka. Sawir: Kirill Mikhaylyuk / Unsplash.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa Saint Petersburg kula kulmay wasiirka dhaqanka Ruushka, Olga Lyubimova.

SONNA ayaa 24-ka Sebtembar 2026 sheegtay in wadahadalladu diiradda saareen ilaalinta hidaha, suugaanta, fanka, tiyaatarka iyo isdhaafsiga khibradaha fannaaniinta. Kulanka ayaa ka dhacay madasha caalamiga ah ee dhaqamada ee magaaladaas, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xiriir joogto ah oo dhex mara hay’adahooda dhaqanka.

Ilaha: SONNA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here